MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay Safaarada Jabuuti ku leedahay Caasimada Muqdisho ee Somalia ayay ku sheegeen in ciidamadooda ku sugan Magaalada Baladweyne ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM ee Midowga Afrika ay ka hortageen weerar la doonayay in lagu qabsado Garoonka Diyaaradaha Baladweyne.
Bayaan ka soo baxay Safaarada Jabuuti ku leedahay Somalia ayaa lagu sheegay inay xiriir la sameeyeen Taliska qeybta 4-aad ee howlgalka Midowga Afrika ee taageerada xasilinta Howlgalka AUSSOM islamarkaana loo xaqiijiyay in ciidamadu iska caabin sameeyeen islamarkana garoonka Baladweyne laga difaacay kooxihii doonayay inay qabsadaan.
Ciidamada Jabuuti waxay sidoo kale bayaankooda ku sheegeen ineysan jirin wax dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay weerarka lagu soo qaaday maalmo ka hor.
“Ciidamada howlgalka AUSSOM way iska caabiyeen weerarka ,waxayna ka hortageen in garoonka diyaaradaha Baladweyne uu u gacan galo kooxihii weerarka soo qaaday,joogitaankeena Somalia wuxuu qeyb ka yahay balanqaadkeenii ahaa taageerada nabada,xoojinta amniga iyo xasiloonida Somalia” ayaa lagu yiri bayaanka Jabuuti ka soo baxay
Bayaanka ka soo baxay Safaarada Jabuuti ayaa yimid kadib weerar dhawaan ay Garoobka Baladweyne ku qaadeen Dagaalyahanada Macawisleyda loo yaqaan ee beesha Xawaadle kuwaasoo doonayay inay qasadaan garoonka.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
