Hooyo Soomaaliyeed oo dil iyo Kufsi la isugu daray Ismaamulka Mandera

MANDERA (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo ismaamulka Mandera ee Kenya ayaa sheegaya in la helay meydka Hooyo Soomaaliyeed oo kooxo ay kufsi iyo dil isugu dareen deegaanka Malkamari oo aad ugu dhaw xuduuda Kenya iyo Itoobiya.
Hooyadaan oo sida la sheegay ahayd xoolo dhaqato ayaa marka la kufsaday kadib la dilay si aysan u sheegin raga kufsiga geystay,waxaana la helay meydkeeda dilka kadib.
Xogaha laga helayo dadka deegaanka ayaa sheegaya in dilka iyo kufsiga ay gaysteendad xirnaa dareyska ciidamada dowlad-deegaanka Itoobiya inkastoo aan la soo qaban.
Hay’adaha Amniga Kenya ayaa looga fadhiyaa cadeymo dheeraad ah sida ay wax u dheceen madaama deegaanka wax lagu dilay uu hoos tago ismaamulka Mandera ee Kenya ay xukunto.
Si kastaba dhulka dilku ka dhacay waa xuduud beeneed Kenya iyo Itoobiya balse sida dhabta ah waa dhulkii Soomaaliyeed ee Gumeystaha reer Yurub hore ugu kala qeybiyeen Kenya iyo Itoobiya ilaa iyo iminkana ay kala xukumaan labadaasi Dal oo deris la ah Somalia.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments