Taliyaha Guud ee Ciidanka Milatariga Turkiga oo Muqdisho soo gaaray iyo Madaxweyne Xasan oo qaabilay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xarunta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidanka Milatariga Jamhuuriyadda Türkiye, Jeneraal Selçuk Bayraktaroğlu.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka istaraatiijiyadeed ee qotadadheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Türkiye, sii adkeynta iskaashiga labada dal ee dhinacyada difaaca iyo amniga, iyo dardargelinta dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo argagixisada caalamiga ah.

Xiriirka walaalnimo iyo diblomaasiyadeed ee labada dal ayaa wanaagsan tan iyo 2011-kii markaasoo turkidu si weyn ugu soo gurmadeen Soomaalida oo abaaro la daalaa dhacayay xligaasi.
May be an image of daisNo photo description available.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments