Dowlada Uganda “anagaa la safan Imaaraadka ee Xasan Sheekh iyo cid kale oo wax ka qaadi kartana ma jirto”

KAMPALA (DAYNIILE.COM)-Taliyaha guud ee Ciidamada Ugandha ahna wilka uu dhalaya Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni ayaa si adag uga hadlay dagaalka diblomaasiyasadeed ee u dhexeeya Somalia iyo imaaraadka Carabta xili uu si cad ula saftay dhanka Imaaraadka.
Taliyaha Ciidamada Uganda wuxuu soo hadal qaaday hadalo warbaahinta caalaamku faafiyeen oo ah inuu saaxiib dhaw la yahay madaxda sare ee Imaaraadka wuxuuna uga jawaabay warkaasi sax yahay ayna run ka sheegeen.
Wiilka Madaxweynaha Uganda wuxuu si jees jees leh uga hadlay ciidamada ka jooga Somalia xili uu ka hadlayay waqtiii Dowlada Somalia u qabatay Safiirka Imaaraadka inuu Muqisho uga baxo.
“anagaa la safan Imaaraat ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo cid kale oo wax ka qaadi kartana ma jirto” ayuu yiri Taliyaha guud ee Ciidamada Uganda
wiilka Madaxweynaha Uganda wuxuu carabka ku adkeeyay inaysan jirin cid wax ka qaadi karta Imaraad madaama ay la jiraan ciidamada ugu wanaagsan Afrika ee Uganda sida uu warka u dhigay.
Lama yaqaan sida Dowlada Somalia uga jawaabi doonto hadaladaan qalafsan ee ka soo yeeray Taliyaha guud ee ciidamada Uganda
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments