Ciidamada Jabuuti oo Macawisleyda Xawaadle ka hor istaagay inay qabsadaan Garoonka Diyaaradaha Baladweyne

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay Safaarada Jabuuti ku leedahay Caasimada Muqdisho ee Somalia  ayay ku sheegeen in ciidamadooda ku sugan Magaalada Baladweyne ee  qeybta ka ah howlgalka AUSSOM ee Midowga Afrika ay ka hortageen weerar la doonayay in lagu qabsado Garoonka Diyaaradaha Baladweyne.

Bayaan ka soo baxay Safaarada Jabuuti ku leedahay Somalia ayaa lagu sheegay inay xiriir la sameeyeen Taliska qeybta 4-aad ee howlgalka Midowga Afrika ee taageerada xasilinta Howlgalka AUSSOM islamarkaana loo xaqiijiyay in ciidamadu iska caabin sameeyeen islamarkana garoonka Baladweyne laga difaacay kooxihii doonayay inay qabsadaan.

Ciidamada Jabuuti waxay sidoo kale bayaankooda ku  sheegeen ineysan jirin wax dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay weerarka lagu soo qaaday maalmo ka hor.

“Ciidamada howlgalka AUSSOM way iska caabiyeen weerarka ,waxayna ka hortageen in garoonka diyaaradaha Baladweyne uu u gacan galo kooxihii weerarka soo qaaday,joogitaankeena Somalia wuxuu qeyb ka yahay balanqaadkeenii ahaa taageerada nabada,xoojinta amniga iyo xasiloonida Somalia” ayaa lagu yiri bayaanka Jabuuti ka soo baxay

Bayaanka ka soo baxay Safaarada Jabuuti ayaa yimid kadib weerar dhawaan ay Garoobka Baladweyne ku qaadeen Dagaalyahanada Macawisleyda loo yaqaan ee beesha Xawaadle kuwaasoo doonayay inay qasadaan garoonka.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments