Dable Nisa Tahliil Guure Culusow Caraale oo loo yaqaano “Lagatay” kana tirsan Ciidanka Duufaan, ayaa lagu Eedeeyey Dilka Marxuumka Maxamed Maxamuud Axmed, kaas oo qabay Xaas ay kala tageen Eedeysane Tahliil Todobo sano ka hor, una dhashay Shan caruur ah.
Baaris Dheer kadib Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, ayaa Codsaday qaadista kiiskaan, Waxaana laga oggolaaday Labo iyo tobankii Bishaan November.
Dhageysi kadib, Wadatashi Dheer oo ay yeesheen Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, ayaana ugu dambeyn maanta ku xukumay Dable Nisa Tahliil Guure Culusow Caraale “Lagatay” Dil Toogasho oo ah Qisaasta Marxuum Maxamed Maxamuud Axmed.
Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida.
