SAWIRRO: Wafdi ka socda Dowlada India oo Muqdisho soo gaaray iyo Wasiir Fiqi oo qaabilay

May be an image of one or more people and textWasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socda Dowladda Hindiya, oo ay hoggaaminaysay Marwo Sripriya Ranganathan, Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya u qaabilsan arrimaha Qunsuliyadaha, Baasaboorrada iyo Muwaadiniinta Hindiya ee Dibadda.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, iyadoo laga wada hadlay fursadaha lagu horumarin karo dhinacyada ay Soomaaliya iyo Hindiya iska kaashan karaan, waxeyna wadahadalladu ku soo dhammaadeen jawi wanaagsan.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qaybgalay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Yuusuf Cali Maxamed, Safiirka Hindiya u fadhiya Soomaaliya, Dr. Adarsh Swaika, iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday labada dhinac.May be an image of dais and textMay be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people, dais, the Oval Office and textMay be an image of one or more people, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments