Sanbaloolshe muxuu ka yiri gogoshii Xassan Sheekh ee wax taga la waayay

C/laahi Sanbaloolshe oo ah Agaasimihii hore ee NISA ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Xasan oo maanta waayay cid qaabisha gogoshii uu dhigay.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook oo sidiisa u qoran halkaan ka akhriso:-

1. Tuug toobad keenay tusbax gaaban ayuu qaataa.

Qofkii hore u lahaa dabeecad xun, xitaa haddii uu isbeddelo, dadku weli shaki ayay ka qabaan.

Xasan Sheekh isagaa dadka kala diray, mana jirto sabab uu maanta dadka u indha-sarcaadiyo, isaga oo doonaya in uu ku mashquuliyo gogol aan wax natiijo ah ka soo baxayn, balse ah waqti-gadasho siyaasadeed.

2. Minankayga iiga bax iyo madaxayga i sii meel loo dhaafo ma leh.

Waxaa jira go’aanno adag oo aan lahayn meel dhexe oo looga leexdo.

Xasan Sheekh ayaa shalay reer Hiiraan, oo uu duubkooda hoggaaminayo, ku yiri: “Minankayga iiga baxa!”, isaga oo maamulkii iyo taladii la wada lahaa hadiyad ahaan u siiyay Guudlaawe.

Ma jiri karto sabab uu Xasan Sheekh weli dadka usii marin-habaabiyo. Dadkan iyo deegaankan aad is tustay in aad ka maaranto, idanka Eebbe, waa tashanayaan.

3. Misbaax minankaada u baahan yahay minan dadow lama geeyo.

Dantaada iyo baahida qoyskaaga ayaa ka horraysa in aad dad kale wax u qabato.

Rijiim kasta oo gabbalkiisu sii dhacayo, awooddiisuna sii wiiqmayso, waxaa ku soo kordha dabeecad siyaasadeed oo halis ah: in uu isku dayo in waxa ummadda ka dhexeeya uu u raro gacmo dad gaar ah, isaga oo u adeegsanaya dano siyaasadeed, abaalmarin shakhsiyeed iyo abuuridda jawi uu maalmo kusii ruux dheereeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments