DAAWO: Dab xooggan oo ka kacay isgoyska Taribuunka-Muqdisho

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Dab xoogan ayaa barqanimadii maanta ka kacay goobaha ganacsiga ee ku teedsan isgoyska Taribuunka ee Magaalada Muqdisho kaasoo aad ugu baahay tukaamo dhowr ah oo qaarkood lagu iibiyo qalabka gaadiidka gaar ahaab ahaan kuwa mooto bajaajka.

Shacab badan ayaa isugu soo baxay goobaha ganacsi ee dabku sida wayn ugu faafay,sidoo kale ciidamo ayaa goobta ku sugan si ay amniga u sugaan madaama ay dhici karto in tukaamada bad badaaday la jabsado.

Kooxda Gurmadka degdega ee Gobolka Banaadir ayaa iyaguna waqtiigii loogu talo galay ku iman kana inkastoo dabku kaliya ilbiriqsiyo wax badan baabi’in karo madaama uu xowli ku socdo islamarkaan xili roobaad dabeyla watana lagu jiro.

Ganacsatada iska leh goobahaan gubanaya wali war ah kama bixin khasaaraha inta uu la egyahay iyo sidoo kaleĀ  waxa sababay dabkaani qabsaday tukaamada.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments