BALADWEYNE (DAYNIILE.COM)-Waxaa Galabta gaaray Magaalada Baladweyne Hogaamiye ku xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabelle C/fataax Xassan Afrax kaasoo si wanaagsan loogu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Baladweyne.
Ciidamo ka tiran kuwa ilaaladiisa iyo kuwa Dowlada ayaa galbiyay wuxuuna caawa ku hooyanaaa Magaalada Baladweyne xili maanta uu isna soo gaaray Baladweyne Agaasimihii hore ee Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Sanbaloolshe oo si weyn u diidan Hirshabelle iyo Dowlada Faderaalka.
Wararka caawa waqti danbe laga helaayo Baladweyne ayaa sheegaya in Magaalada Baladweyne laga maqlay rasaas goos goos ah xili warar aan wali la xaqiijin ay sheegayaan in si weyn looga cabsi qabo dagaal toos ah oo labada dhinac ka dhex qarxa.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle uu degan guri ku yaal halka loo yaqaan ceeljaalle oo Baladweyne ka tirsan halka sanbalolshe isna magaalada degay.
Hadii aan xal siyaasadeed ama mid dhaqan aan lagu xalin xiisada ka dhex taagan ciidamada Dowlada iyo Macawisleyda waxaa macquul ah in dagaal uu ka dhex qarxo ciidamada aan cidina ku dhex jirin ee iska soo hor jeeda.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

