NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Waxaa maanta la spoo gabgabeeyay howlihii samatabixinta dabaqii dhawaan ku dumay Xaafada Somaalida Islii Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya.
Howlaha raadinta dadkii ku hoos jiray burburka dabaqii ku dumay xaafadda Islii waxay ku soo dhamaatay in dhamaan inttii ku hartay ay geeriyoodeen islamarkaana aysan jirin qof nool oo maanta la soo saaray.
Tirada uud ahaan dhimashada waxaa lagu sheegay 8 ruux halka dadka la bad baadiyay ay yihiin 2 ruux kaliya kuwaasoo rag iyo dumar kala ahaa.
Gabi ahaanba waxaa beenoobay oo meesha ka baxay wararkii sheegayay in 7 ruux oo nool ay ku hoos jiraan dabaqa balse taas badalkeeda waxaa la soo saaray 6-dii meyd ee ugu danbeysay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM

