BALADWEYNE (DAYNIILE.COM)- Wararka laga helaayo Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya inuu maanta dib ugu soo laatay maagaaladaasi Agaasimihii hore ee Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo mucaarad weyn ku ah Dowlada iyo Hirshabelle.
Muuqaal baraha bulshada lagu faafiyay ayaa muujinaya gaadidi badan oo Tikniko ah oo lagu sheegay in lagu galbinayay Sanbalooshe kaasoo ugu danbeyn kaamiradu qabatay isagoo gudaha Magaalada Baladweyne kula kulmaya Siyasiyiin iyo waxgarad.
Tiknikada muqaalka aad ka arki karto oo aan yarayn ayaa warar aan wali la xaqiijin waxay sheekayaan in Sanbaloolshe ay ka soo galbiyeen xuduud beeneedka Itoobiya iyo Somalia islamarkaana uu ka yimidba dhanka Itoobiya taasoo iyadana aan wax cadeyn ah loo heyn.
Wararka ku dhaw dhaw Sanbalooshe ayaa sheegaya inuu dhawaan kulan uu la yeelan doono Ugaaska Beeshiisa Xawaadle kadibna ay wada jir uga tashan doonaan dhisme wax ay ku sheegeen Hirshabelle kale oo laga garab dhiso maamulka Dowladu aqoonsan yahay ee Cali Guudlwaawe uu hogaamiyo.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

