Dunidu ma dhammaan doontaa 13-ka Nofeembar 2026? Saadaal hore oo mar kale hadal-haynteedu soo cusboonaatay

=XIGASHO BBC SOMALI=Dunida

Marka ay taariikhdani soo dhowaanayso, cabsida laga qabo “dhammaadka dunida” ayaa mar kale si weyn looga hadal hayaa baraha bulshada iyo warbaahinno kala duwan.

Taariikhdani waxay la xiriirtaa daraasad cilmiyeed oo la daabacay 66 sano ka hor, taas oo lagu qiimeynayay mustaqbalka tirada dadka ku nool dhulka.

Daraasaddan waxaa qoray saddex cilmi-baare, waxaana 4-tii Nofeembar 1960 lagu daabacay majaladda Maraykanka ee Science. Cinwaankeedu wuxuu ahaa: “Maalinta Qiyaamaha: Jimce, 13-ka Nofeembar”.

Cilmi-baarayaashu waxay daraasaddooda ku sheegeen in haddii tirada dadka dunidu ay ku sii korodho isla xawaaraha ay ku arkeen xogta ku dhowaad 2,000 oo sano, marka la eego xisaabtooda saadaasha ah, tirada bani’aadamku ay bisha Nofeembar 2026 aragti ahaan gaari doonto wax “aan xad lahayn”.

Hase yeeshee, cilmi-baarayaashu dhab ahaantii ma waxay ka hadlayeen dabar-goynta bani’aadamka?

Taariikhdani ma leedahay muhiimad cilmiyeed oo tilmaamaysa musiibo caalami ah ama dhacdo keeni karta dabar-goynta nolosha dhulka?

Halkee ayay sheekadani ka soo bilaabatay?Sheeko

Asalka daraasaddan wuxuu ka soo bilaabmay fiisigiste u dhashay Austria, balse haystay dhalashada Maraykanka, Heinz von Foerster.

Waxa uu cilmi-baaristan sameeyay isaga oo kaashanaya labo cilmi-baare oo kale oo kala ahaa Patricia Mora iyo Lawrence Amiot. Saddexdooduba waxay ka tirsanaayeen waaxda injineernimada korontada ee Jaamacadda Illinois ee dalka Maraykanka.

Cilmi-baarayaashu waxay adeegsadeen qiyaaso taariikhi ah oo ku saabsan tirada dadka dunida. Xogtaasi waxay ka koobnayd 24 qiyaasood oo laga soo ururiyay muddadii u dhexeysay bilowgii taariikhda Miilaadiga ilaa sannadkii 1958-kii. Waxay xogtan u adeegsadeen inay fahmaan sida tirada bani’aadamku taariikhda oo dhan u kordhaysay.

Cilmi-baarayaashu kuma salayn daraasaddooda in tirada dadka dunidu ay ku kordhayso xawaare go’an. Taa beddelkeeda, waxay soo bandhigeen hannaan xisaabeed oo ku salaysan fikradda kororka xad-dhaafka ah ee tirada dadka, kaas oo loo yaqaan Hyperbolic Growth.

Hannaankan, tirada dadka oo keliya ma kordhayso, balse xawaaraha ay ku kordhayso ayaa isaguna sii dardar-gelaya marka waqtigu socdo.

Qaabkan xisaabeed wuxuu ku salaysnaa fikradda ah in awoodda bani’aadamku u leeyahay inuu dadka kale la falgalo, is-caawiyo, isla markaana samaysto isbahaysiyo ay ka caawiso inuu ka gudbo qaar ka mid ah xaddidaadaha deegaanka.

Arrintani waxay kordhisaa awoodda bani’aadamka ee badbaadada iyo taranka.

Kaddib markii ay isla’egta xisaabeed ku dabbaqeen xogtii taariikhiga ahayd, cilmi-baarayaashu waxay ku soo gabagabeeyeen in hannaankoodu sannadka 2026 gaari doono xaalad loo yaqaan keli ahaansho. Xilligaas ayaa ku beegan bartamaha bisha Nofeembar 2026.

Sidaas ayay taariikhda 13-ka Nofeembar 2026 ku noqotay qayb ka mid ah cinwaanka daraasadda. Sida uu saadaaliyay hannaanka xisaabeed, taariikhdaas ayay tirada dadka dunidu aragti ahaan ku gaari lahayd mid “aan xad lahayn”, haddii isla shuruudihii iyo malo-awaalkii hore lagu sii socdo.

Marka ugu horreysa ee la akhriyo, cinwaanka daraasaddu wuxuu u ekaan karaa saadaal ku saabsan dhammaadka dunida, balse macnaha dhabta ahi gebi ahaanba wuu ka duwan yahay.

Cilmi-baarayaashu kama hadlin in dhulka uu ku dhici doono dhagax weyn oo hawada sare ka yimaadda, in qorraxdu qarxi doonto, ama in ay dhici doonaan dhulgariirro iyo foolkaanno sababa burbur baahsan. Sidoo kale, ma aysan cayimin taariikh ay bani’aadamnimadu ku dabar go’i doonto musiibo dabiici ah awgeed.

Dhab ahaantii, waxay fikradda “maalinta qiyaamaha” u adeegsadeen inay ku tilmaamaan barta mala-awaalka ah ee xisaabeed ee ay tirada dadku ku noqonayso mid aan xad lahayn, sida uu dhigayo isla’egtoodu. Arrintaasi se waa wax aan suurtagal ka ahayn dunida dhabta ah.

Si kale haddii loo dhigo, tirada “aan xadka lahayn” macnaheedu ma aha in dadka dhulka ku nool ay dhab ahaan gaari doonaan tiro intaas le’eg. Waxay tilmaamaysaa oo keliya natiijada xisaabeed ee soo baxaysa marka hannaan saadaalineed mustaqbalka la sameeyo, iyadoo la malaynayo in dhammaan shuruudihii lagu dhisay ay sidii hore ahaanayaan, isla markaana aan waxba iska beddelayn.

Akhrinta daraasaddii asalka ahayd waxay muujinaysaa in cilmi-baarayaashu ay ka warqabeen inaan hannaankan si sax ah loo adeegsan karin haddii aan la tixgelin saamaynta deegaanka, kheyraadka iyo xaaladaha kale ee ku xeeran tirada dadka.

Kuwani waa arrimo saameyn ku yeelan kara heerka dhalashada iyo dhimashada, isla markaana beddeli kara jihada kororka tirada dadka.

Maxaa xiriir ah oo ay arrintan la leedahay maqaalkii Michel Tecla ee la daabacay 1964?Dunida

Wargeyska Masar ka soo baxa ee ‘Waddani’ ayaa sidoo kale daabacay sawir laga soo jaray wargeys hore oo taariikhdiisu ahayd 29-kii Nofeembar 1964. Qoraalka waxaa ku saxiixnaa qoraa lagu magacaabo Michel Tecla, cinwaankiisuna wuxuu ka hadlayay in dunidu dhammaan doonto 13-ka Nofeembar 2026.

Intaas ka dib, qaar ka mid ah warbaahinta kale ee Masar ayaa mar kale baahiyay sawirka qoraalkan hore. Arrintaas ayaa keentay in sheekadani dib u soo shaac baxdo, in ka badan lixdan sano ka dib.

Hase yeeshee, waxaa muhiim ah in la kala saaro qoraalka la daabacay iyo daraasaddii cilmiyeed ee asalka ahayd.

Daraasadda ku saabsan taariikhda 13-ka Nofeembar 2026 waxaa sannadkii 1960 daabacay Von Foerster iyo labo ka mid ah asxaabtiisa cilmi-baarista, mana ahayn Michel Tecla.

Warbaahinta dhowaan arrintan ka hadashay ayaa sidoo kale siyaabo kala duwan u sheegtay mawduuca uu ku saabsanaa qoraalka Tecla.

Warbixinnada qaarkood ayaa qoraalka ku xiriiriyay daraasad ku saabsan kororka tirada dadka, halka kuwo kalena ay xuseen mala-awaallo la xiriira dhaqdhaqaaqa qorraxda, isbeddelka cimilada iyo masiibooyinka dabiiciga ah.

Sidaas darteed, sax ma aha in dhammaan mala-awaalladan loo arko inay qayb ka yihiin hal aragti cilmiyeed, ama lagu sheego inay yihiin natiijooyinkii daraasaddii Von Foerster, ilaa laga helo qoraalka oo dhammaystiran ee maqaalkii asalka ahaa, laguna barbar dhigo nuxurkiisa cilmiyeed.

Dhaqdhaqaaqa qorraxdaQorraxda

Qaar ka mid ah warbixinnada warbaahinta ee la xiriira qoraalkii Michel Tecla ayaa sidoo kale sheegay in 13-ka Nofeembar 2026 ay dhici doonto dhaqdhaqaaq qorraxeed aan caadi ahayn. Warbixinnadaas ayaa walaac ka muujiyay in arrintaasi ay sababi karto khalkhal ku yimaada goobta birlabta dhulka iyo masiibooyin dabiici ah.

Hase yeeshee, waxaa muhiim ah in la kala saaro duufaannada qorraxda ee dhab ahaan dhaca iyo sheegashada ah in masiibo qorraxeed ay dhici doonto maalin gaar ah.

Dhaqdhaqaaqa qorraxdu waa dhacdo dabiici ah oo si wanaagsan loo yaqaan. Qorraxdu waxay leedahay wareegyo uu heerka dhaqdhaqaaqeedu isbeddelo.

Inta lagu jiro wareegyadan, waxaa mararka qaarkood dhaca qaraxyo waaweyn oo walxo qorraxeed ah iyo holacyo qorraxeed, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara goobta birlabta ee dhulka.

Duufaannada xooggan ee qorraxda waxay khalkhal ku keeni karaan nidaamyada isgaarsiinta, dayax-gacmeedyada iyo hababka hagidda. Waxay sidoo kale saameyn ku yeelan karaan shabakadaha korontada.

Hase yeeshee, khatarahaasi macnaheedu ma aha in qorraxdu ay taariikh cayiman burburin doonto dhulka.

Daraasaddii ku saabsanayd kororka tirada dadka ee sannadkii 1960 lagu daabacay majaladda Science, laguma soo bandhigin wax caddayn ah oo taariikhda 13-ka Nofeembar 2026 ku xiriirinaya dhaqdhaqaaqa qorraxda ama masiibooyinka dhulka hoostiisa iyo kuwa cimilada la xiriira.


=XIGASHO BBC SOMALI=

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments