Xassan Cali Khayre “Waa inaan sida ugu dhaqsiyaha badan u dhisno Dowlad Soomaaliyeed, kadibna aan beesha caalamka la macaamilno “

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ra’iisulwasaarihii hore ee Somalia Xasan Cali Khayre ayaa hadalo adag ka jeediyay shir ay maanta isla qabteen madaxda mucaaradka Golaha Mustaqbalka.

“Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday wuxuu maanta ku duulay garsoorka dalka, wuxuuna horay u wiiqay baarlamaanka, nidaamka federaalka, iyo ciidankii dalka, wuxuuna burburiyay tiirarkii udubdhexaadka u ahaa dowladnimada Soomaaliya” ayuu yiri Xasan Cali Khayre

Sidoo kale Xasan Cali Khayre wuxuu carabka ku adkeeyay in la soo gaaray xiligii la iska qaban lahaa Xassan Sheekh.

“Waxaa la joogaa waqtigii gacanta la qaban lahaa Xasan Sheekh, lagana badbaadin lahaa dalka, dadka, iyo dowladnimada Soomaaliyeed” ayuu mar kale  yiri Xasan Cali Khayre

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments