XIGASHO KOOXDA.COM
Kooxda Liverpool ayaa sare u qaaday xiisaha ay u qabto daafaca bidix ee Fenerbahçe, Archie Brown, kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu ka sameeyay kulankii ay kooxdiisu 3-2 kaga adkaatay Liverpool.
Xiddiga 24-jirka ah ayaa kulankaas dhaliyay goolkii barbaraha 2-2, sidoo kalena caawiyay goolkii guusha ee Vedat Muriqi.
Sida uu qorayo TEAMtalk, Liverpool ayaa muddo la socotay horumarka daafacan, waxaana la filayaa inay sii xoojiso dadaalkeeda ku aaddan sidii ay ula soo saxiixan lahayd.
Si kastaba ha ahaatee, Liverpool kaligeed kuma jirto kooxaha doonaya saxiixa Brown, waxaana sidoo kale xiiseynaya Manchester United, Chelsea, Newcastle United, Everton iyo Brighton.
Archie Brown ayaa Fenerbahçe kaga soo biiray kooxda Gent sanadkii 2025, isagoo haatan si weyn uga dhex muuqda kubadda cagta Turkiga.
XIGASHO KOOXDA.COM

