Hoggaamiyaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa deeq isugu jirta shidaal, raashiin iyo xoolo nool ugu deeqay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan duleedka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.
Deeqdan oo uu hoggaamiyaha Hirshabeelle ugu talagalay dhiirrigelinta iyo garab istaagga ciidamada ku howlan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ee gobolka Hiiraan, ayaa waxaa wakiil uga ahaa Guddoomiyaha degmada Matabaan, Maxamed Sheekh Maxamuud Dhoobeey.
Guddoomiyaha degmada Matabaan ayaa deeqda ku wareejiyey Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle Sare Cali Cageey, isagoo ka wakiil ahaa hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle.
Deeqdan ayaa qeyb ka ah taageerada loo fidinayo ciidamada dowladda ee ku sugan furimaha dagaalka, xilli ay howlgallo ka dhan ah Khawaarijta ka socdaan deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.














