Isra’iil oo weerar xaga cirka ah ku xasuuqday Sarkaal reer Qaza ah iyo qoyskiisa

Displaced Palestinians take part in the funeral procession of three people killed earlier this morning in Israeli shelling in the Al-Maghraqa area, central Gaza Strip, on November 24, 2026.

Weerar xaga cirka ah oo ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Israeli ayaa la soo sheegayaa inay ku xasuuqeen sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada amaanka dhulka reer Falastiin ee Gaza.

Weerarka waxaa ku wada dhintay Sarkaalka oo 47 jir ahaa  iyo xaaskiisa oo 41 jir ahayd iyo laba gabdhood oo ay wada dhaleen  kuwaasoo iyagana da’dooda lagu kala sheegay 15 iyo 13.

Bayaan ay soo dhigeen kanaalkooda Telegram-ka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay sarkaalka ku sheegtay inuu yahay Maxamed Majid Abu al-Awf, oo ah agaasimaha Adeegga Ammaanka Gudaha ee waqooyiga Gaza.

Waxay ku tilmaantay dilalkan inay yihiin “xaaraan naxdin leh oo ay fuliyeen ciidamada Israel markii ay qarax gareeyeen [guri qoyska] ku yaalla xerada qaxootiga Shati, galbeedka Magaalada Gaza, subaxnimadii maanta”.

Weerarku waa qayb ka mid ah “dadaallada socda ee lagu yareynayo awoodda ammaanka ee Qaza si loo faafiyo fowdada bulshada Falastiiniyiinta dhexdeeda”, ayay intaa ku dartay.

Weerarku wuxuu yimid wax ka yar 24 saacadood ka dib dilkii agaasimaha guud ee Adeegga Ammaanka Gudaha, Jenaraal Brigadier Naim Abu Nahal.

SOURCE ALJAZEERA

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments