C/raxmaan C/shukuur “Muqdisho maalmahan waxay u eg tahay sidii ay ahayd waagii Midowgii Maxaakiimta”

Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur Warsame oo Wasiir ka soo noqday Dowladii Shariif Sh.Axmed hadana ka mid ah mucaaradka Dowlada ee Golaha Mustaqbalka ayaa barihiisa bulshada wuxu daqiiqado ka hor ku soo gud-biyay qoraal kooban oo uu ku weeraray Dowlada Soomaaliya.

C/raxmaan C/shukuur wuxuu ku bilaabay qoraalkiisa in Magaalada Muqdisho oo ah caasimada Dalka ay maanta u ekaatay sidii ay ahayd waagii Midowgii Maxaakiimta oo kale.

Hadaba halkaan ka aklhriso qoraalka C/raxmaan C/shukuur oo sidiisa u qoran:-

Muqdisho maalmahan waxay u eg tahay sidii ay ahayd waagii Midowgii Maxaakiimta, markii ay isu-soo-baxyada, nashiidooyinka iyo hal-ku-dhegyadu fagaarayaasha haysan jireen.

Kuwa dawladda metelaya waxay u hadlayaan sidii jabhad oo kale. Hadalkoodu wuxuu ka maran yahay luqad dawladnimo, is-xakamayn siyaasadeed iyo af-gobaadsi diblomaasiyadeed.

Dhibka ina haysta waa siyaasad ay iriddeedu balaqan tahay oo qof kastaa geli karo, muddo gaabanna uu ka gaari karo halka ugu sarraysa, iyada oo aan looga baahnayn aqoon, waayo-aragnimo, xirfad iyo cid hagta (mentor) oo uu wax ka barto.

Xaggee buu qofku ka baranayaa xeerarka siyaasadda, hab-dhaqanka diblomaasiyadda, masuuliyadda hadalka iyo ka fiirsiga erayadiisa inta aanu fagaaraha ka oran?

Fahamka dawladnimada iyo ku hadalka luqaddeedu waxay kaa dalbanayaan in mar kasta oo aad magaca dawladda ku hadlayso aad isweydiiso in hadalkaagu bulshada isku keenayo ama kala geynayo, in uu boogaha damqinayo ama dawaynayo. Waa inaad sidoo kale maanka ku hayso diblomaasiga dalkaaga ee la weydiinayo inuu hadalkaaga fasiro, hawlwadeenka rayidka ah iyo ciidanka laga doonayo inay fuliyaan waxa uu farayo. Muxuu hadalkaagu ku kacayaa? Inteese dadku iyo dalku diyaar u yahay inuu wajaho cawaaqibka ka dhalanaya?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments