Wargeyska New York Times oo kashifay qorshe halis ku ah amniga Somalia oo Imaaraadku ka wado Boosaaso iyo Berbera

Wargeyska New York Times ee ka soo baxa Dalka Mareykanka ayaa ka shifay oo faafiyay warbixin xasaasi ah oo ku saabsan qorshe halis ku ah amniga Somalia oo Imaraadku ka wado Maamulada Puntland iyo Somaliland.
Wargeyska New Yor Times wuxuu soo bandhigay cadeymo muujinaya in Imaaraadku saldhigyo Milateri oo waa weyn ka dhistay Magaalooyinka Boosaaso iyo Barbera.
Cadeymaha sawirada u badan ee Wargeysku soo bandhigay waxay muujinayaan in Imaaradku sameeyay meelaha ay ku soo degi karaan islamarkaana ay ku negaan karaan diyaaradaha waa weyn ee qaada  xamuulka Milateriga sida Taangiyada iyo diyaaradaha qaada duyaaradaha kale ee dagaalka.
Dowlada Somaaliya oo hore ula socotay dhaq dhaqaaqyada ka socda garoomadaasi ayaa hada u muuqata inay ku soo baraarugto dhismaha cusub iyo dib u habeynta Imaaraadku ku sameeyay  Garoonada diyaaradaha Boosaaso iyo  Berbera .
lama oga talaabada Dowlada Somalia qaadi doonto madaama ay heysato diyaarado dagaal iyo taageerada Turkida.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA DAYNIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments