Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Caawa Shariif Sh.Axmed ka raali geliyay dagaalkii Dowladu la gashay

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar aad isu soo taraya oo sheegaya in shirka Mucaaradka ee Caawa ka socda lagu arkay Musharax Madaxweyen Cabdi faarax Shirdoon Saacid oo Madaxweyne xasan ka sida fariin nabadeed oo ku socota mucaaraka gaar ahaan Shariif.

Wararka laga helaayo Hotel Jaziira ayaa sheegaya in Saacid Shirdoon uu gaarsiiyay Madaxweyne hore Shariif Sh.Axmed Go’ Shaal ah oo uu soo dhiibay Madaxweyne Xasan taasoo ah raali gelinta 3-dii June ee sanadkaan dagaalkii cidamada Dowladu ku qaadeen Shariif.

Wararku waxay tilmamayaan in ujeedka Madaxweyne xasan yahay sidii uu dib ugu soo noolen lahaa gogoshii wadahadalka Dowlada iyo mucaaradka si heshiis looga gaarso doorashooyinka madaxtinimo ee Dalka taasoo muran badan uu ka taagan yahay.

Dhanka kale wali ma jirto wax xaqiijinaya in Mucaaradku aqbaleen fariinta nabadeed ee ka timid Madaxweyne Xasan gaar ahaan Madaxweyne hore Shariif oo raali-gelintu si gaar ah ugu socoto.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments