MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya oo xalay ka qeybgalay islamarkaana khudbad ka jeediyay bandhig-faneed ballaaran oo Muqdisho lagu qabtay ayaa soo hadal qaaday halka sare ee ay gaartay Dowladnimada Somalia.
Xanze wuxuu sheegay in Dalku Dowlad leeyahay iskamarkaana maanta la joogo heer Dowladu safaarad safaarad dal kasta ula xisaabtanto balse meesha laga saaray Hay’ado QM ka tirsan iyo kooxo la baxay beesha Caalamka kuwaasoo faragelin ku hayay arimaha Dowladnimada Somalia.
“Dalka waan ka ceyrinay QM iyo C6+ kuwii la dhihi jiray,”ayuu yiri Ra’iisulwasaare Xamza Cabdi Barre.
Dhanka kale Ra’iisulwasaaraha mar uu soo hadal qaaday in imaaraadku dhowr mar sireen Dowlada Somalia ayuu sii raaciyeen inay ku timid markii ay aamineeen qamiiska iyo luqadda Carabiga islamarkaana ay taasi keentay in Somalia ay aaminto dalka Imaaraadka Carabta.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
