MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Mucaaradka Golaha Mustaqbalka ayaa la yimid qorshe cusub oo caqabad hor leh ku noqon kara Villa Somalia marka la eego wada hadalada ay dooneyso inay doorashada kala yeelato mucaaradka.
Mucaaradka waxay soo jeediyeen in jabhadaha hubeysan ee ka aas’aasmay Hiiraan iyo Koonfur Galbeed lagu soo daro shirarka u dhexeeya Villa Somalia iyo mucaaradka.
Talaabadaani oo Madaxtooyada culeyska ku sii badan kara ayay u badan tahay inay qaadici doonaan oo aysan marna aqbali doonin in wada xaajoodyada lagu soo daro dhinacyada hubeysan ee Hiiraan iyo Koofurgalbeed.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
