Banaan-baxii ugu weynaa oo Xasan Sh.looga soo horjeedo oo ka dhacay Baladweyne

BALADWEYNE (DAYNIILE.COM)-Magaalada Baladweyne gaar ahaan dhanka Bari waxaa maanta ka dhacay banaanbixii ugu weynaa ee looga soo horjeedo Hirshabelle iyo Dowlada Somalia gaar ahaana siyaasada uu Madaxweyne Xasan wax ku maamulo.
Kumanaan shacab ciidan iyo masuuliyiin isugu jira ayaa ka soo qeybgalay banaan baxa kuwaasoo muujiyay sida ay u taageersan yihiin Ugaaskooda Ugaas Yuusuf Ugaas Xassan Ugaas Khaliif.
Sidoo kale waxaa isu soo baxa ka soo qeybgalay qaar ka mid ah Xildhibaanada Beesha Xawaadle ku matala Faderaalka sida C/laahi Sanbaloolshe oo dhanka kalana ah Agaasimihii hore ee Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka.
Ugaaska khudbadiisa wuxuu ku faray shacabka reerkiisa inay mar kasta ilaaliyaan midnimada dhexdooda ah.
Faah-faahinta khudbada Ugaaska halkaan hoose ka daawo iyadoo muuqaal ah:-
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA DAYNIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments