Isbitaalka Taqasusiga iyo Tacliimiga ah ee Dalmar ayaa Munaasabado kala duwan ku qabtay xarunta Isbitaalka iyo goobo kale oo ka tirsan Magaalada Muqdisho, kuwaasoo la xiriiray xuska Maalinta Caalamiga ah ee Cudurka Sonkorowga (World Diabetes Day), oo ku beegnayd 14-ka November.
Gudoomiyaha Guud ee Isbitaalka Dalmar Prof. Dr. Abdirizak Ahmed Dalmar ayaa bulshada la wadaagay farriin ku saabsan wacyigelinta, ka hortagga iyo Maareynta xanuunka Macaanka, isagoo sidoo kale shaaciyay in baaritaannada xanuunka Macaanka ay bilaash ka yihiin Isbitaalka Dalmar inta lagu jiro bisha November oo dhan.

“Sanad walba marka la soo gaaro 14-ka bisha Novembar waxaa dunida laga xusaa loona asteeyey Maalinta Sonkorowga ee caalamiga ah (World Diabetes Day) sababtuna waxay tahay in dadka ku nool caalamka ay %25 ka mid ah la nool yihiin cudurka Sokorowga, kaasoo haddii aan si fiican loola socon, loo daaweyn, loona daba gelin keeni kara dhibaatooyin waaweyn oo dhinaca Caafimaadka ah, xubnaha uu sida weyn khatarta u gelinaya waxaa ka mid ah Indhaha, kelyaha, Wadnaha iyo xididida yar yar & Dareen wadayaasha” ayuu yiri Dr Dalmar oo intaas ku daray in iyagoo ka duulaya xuska Maalintan uu Isbitaalku ugu talo galay bukaanada iyo shacabka isbitaalka soo booqda in loo sameeyo baaritaano iyo la talin bilaash ah kaasoo socon doona ilaa dhamaadka Bishan Novembar, isagoo bulshada ugu baaqay iney ka faa’iideystaan fursadaas, kana digtoonaadaan cudurkan, isagoo dadka hada la nool cudurkana kula taliyey iney qaataan dawooyinka ay dhaqaatiirtu u qoreen, isla markaana ku dhaqmaan talooyinka ay siiyaan ee la xiriira wax ka bedelka hab nololeedkooda.
Ololahanu u wado Isbitaalka dalmar oo qayb ka ahaa dadaallada lagu xoojinayo wacyigelinta bulshada ee ku aadan cudurka Sonkorowga ayaa waxaa ka qayb qaadanaya dhakhaatiir iyo hawlwadeennada Caafimaadka ee Isbitaalka Dalmar, kuwaasoo bulshada u sameynaya baaritaanno Caafimaad oo lacag la’aan ah iyo wacyigelin ku saabsan ka hortagga iyo maareynta cudurkan.
Dhakhaatiirta iyo hawlwadeennada isbitaalka ayaa xarunta Isbitaalka Dalmar, Suuqa Hayat Market iyo goobo kale oo bulshada iskugu timaado ka sameeyay baaritaanno lagu ogaanayay heerka sonkorta dhiigga, si dadka looga caawiyo inay ogaadaan xaaladdooda caafimaad, gaar ahaan dadka aan hore u samayn baaritaanno ama aan ka warqabin inay qabaan cudurka Sonkorowga.
Inta uu socdo Ololahan, bulshada waxaa la siinayaa talooyin caafimaad oo ku saabsan calaamadaha cudurka sonkorowga, waxyaabaha kordhiya halistiisa, hababka looga hortagi karo iyo muhiimadda ay leedahay in qofka laga helo cudurka xilli hore.
Sidoo kale xarunta Isbitaalka Dalmar waxaa lagu qabtay kulan dood-cilmiyeed ah oo ay ka qaybgaleen dhakhaatiir ku takhasusay qaybaha kala duwan ee Caafimaadka, kuwaasoo si qoto dheer uga hadlay halista cudurka Sonkorowga, dhibaatooyinka uu sababi karo iyo doorka ay baaritaannada joogtada ahi ku leeyihiin ilaalinta Caafimaadka bukaannada.
Maamulaha Isbitaalka Dalmar Mohamed Abdi Adan oo daahfuray kulanka Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xanuunka Macaanka (World Diabetes Day) ayaa ka waramay muhiimadda ay leedahay wacyigelinta, ka hortagga iyo ogaanshaha hore ee xanuunka macaanka
Intii uu socday kulanka dood-cilmiyeedka, waxaa xoogga la saaray in cudurka Sonkorowgu aanu ahayn oo keliya kororka sonkorta dhiigga, balse uu yahay xaalad caafimaad oo saamayn ku yeelan karta xubno badan oo muhiim u ah shaqada jirka, haddii aan si habboon loo xakamayn.
Qodob kale oo si weyn loogu falanqeeyay kulanka ayaa ahaa muhiimadda ay leedahay in cudurka sonkorowga la ogaado ka hor inta aanu sababin dhibaatooyin caafimaad oo waaweyn.
Dhakhaatiirtu waxay xuseen in dadka qaarkood ay muddo dheer la noolaan karaan sonkorow iyaga oo aan ogeyn, maadaama cudurku mararka qaarkood aanu lahayn calaamado si cad u muuqda, gaar ahaan marxaladaha hore.
Waxay bulshada ku boorriyeen in aan la sugin inta ay soo baxayaan calaamado ay ka mid yihiin harraad badan, kaadi badan, gaajo joogto ah, daal iyo miisaan lumis aan la garanayn sababteeda, balse ay muhiim tahay in baaritaanno caafimaad la sameeyo si loo ogaado xaaladda dhabta ah ee qofka.
Sidoo kale, waxaa la xusay in dadka leh arrimo halis ah oo kordhin kara, sida cayilka, dhaqdhaqaaq la’aanta, taariikh qoys oo sonkorow ah iyo dhiig-kar, ay si gaar ah ugu baahan yihiin inay la socdaan xaaladdooda caafimaad.
Kulanka waxaa sidoo kale lagu falanqeeyay doorka cuntada iyo hab-nololeedka caafimaadka leh ee ka hortagga iyo xakamaynta cudurka sonkorowga.
Dhakhaatiirtu waxay bulshada kula taliyeen inay yareeyaan isticmaalka sonkorta badan, cabitaannada macaan iyo cuntooyinka dufanka badan, isla markaana ay doorbidaan cunto isku dheellitiran oo ay ku jiraan khudaar, borotiin iyo cuntooyin nafaqo leh.
Waxay sidoo kale ku boorriyeen bulshada inay sameeyaan dhaqdhaqaaq jireed oo joogto ah, sida socodka maalinlaha ah, maadaama jimicsigu gacan ka geysto hagaajinta shaqada insulin-ta iyo xakamaynta heerka sonkorta dhiigga.
Waxaa intaas dheer in dadka qaba cudurka sonkorowga aanay iskood u joojin ama u beddelin daawooyinka loo qoray, balse ay muhiim tahay inay talo caafimaad ka helaan dhakhaatiirtooda.
Madaxa Caafimaadka ee Isbitaaalka Dalmar Dr. C/fitaax C/llaahi Jaamac oo soo xiray dood Cilmiyeedkan ayaa u mahad celiyey Dhaqaatiirtii ka qeyb qaadatay dood Cilmiyeedkan, isagoo tilmaamay in sonkorowga aan la maareyn uu muddo ka dib dhaawici karo xididdada dhiigga iyo neerfayaasha, taasoo keeni karta dhibaatooyin halis ah oo saameeya wadnaha, kelyaha, indhaha iyo cagaha.
Waxaa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyey in dadka qaba cudurka sonkorowga ay muhiim tahay inay si joogto ah ula socdaan heerka sonkorta dhiiggooda, isla markaana ay raacaan talooyinka dhakhaatiirta, maadaama xakamaynta sonkortu ay yarayn karto khatarta dhibaatooyinka mustaqbalka.
Munaasabadahan ayaa muujinaya doorka Isbitaalka Taqasusiga iyo Tacliimiga ah ee Dalmar ee ku aaddan wacyigelinta bulshada, dhiirrigelinta baaritaannada caafimaadka iyo ka qayb qaadashada dadaallada lagula tacaalayo cudurrada aan faafin balse raagista yeesha (Chronic Disease)
Baaritaannada lacag la’aanta ah ee laga wado xarunta isbitaalka iyo goobo kale ayaa bulshada u abuuray fursad ay ku ogaan karaan xaaladdooda caafimaad, halka dood-cilmiyeedka ay dhakhaatiirtu ka qaybgaleen uu xoojiyay fahamka ku saabsan halista sonkorowga iyo muhiimadda ay leedahay in si joogto ah loola socdo.
Maalinta Caalamiga ah ee Cudurka Sonkorowga oo sannad kasta la xuso 14-ka November ayaa ah fursad caalami ah oo lagu kordhiyo fahamka bulshada ee cudurkan, laguna dhiirrigeliyo ka hortaggiisa, ogaanshihiisa hore iyo helitaanka daryeel caafimaad oo tayo leh.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA

