MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Somalia ayaa maanta isagoo ka hadlayay dhagax dhiga Jaamacada Difaaca Qaranka wuxuu cadeeyay inuu fashilmay gogoshii uu mucaaradka u dhigay ee looga heshiin lahaa nuuca doorasho ee dalku aadi doono.
“Siyaasi carooday oo ajanabi maslaxad u doontay dhibaato dalka ma soo gaarsiin karo”ayuu yiri Madaxweyne Xasan isagoo ka hadlayay diidmada mucaaradka ee gogoshiisa.
Hadalka Madaxweynaha wuxuu cadeyn u yahay sida loo kala fogaaday iyo fashilka ku yimid gogosha Madaxweynaha.