Inkastoo bilihii ugu danbeeyay la isla dhexmarayay qorshe Dowlada Somalia ku dooneyso inay ku weerarto Gobolka kaliya ee gabi ahaantisa gacanta Alshabaab ku jira ee Jubada dhexe si Madaxweyne Xasan xiliga doorashada ugu gorgortamo Jubaland ahaan.
Milateriga Somalia ayaa la sheegay inay si gaar ah u bartilmaameedsan doonaan Magaalooyinka Jilib iyo Bu’aalle si ay gacanta Dowlada u soo geliyaan,wararka ayaa tilmaamaya in ciidamada lagu dhurayo Baraawe ay qeyb ka yihiin qorshahaan.
Dhanka kale hadal heyntaan waxaa xoojiyay oo shalay afkiisa ka sheegay inuu jiro qorshaha weerarka Gobolka jubada dhexe Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koofurgalbeed Aadan Maxamed Nuur Madoobe.
Dhanka kale qorshahaan wuxuu ku soo aadayaa xili mowjado siyaasadeed ay Dowladu ku furan tahay sida arinta Hiiraan iyo Gobolka Bay oo meelo badan Alshabaab iyo Laftagareen isla socda dib u qabsadeen.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
