MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Warar ku dhaw dhaw Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya Madaxweyne Xassan Sheekh maanta uu kormeeri doono Talisyada ciidamada Dowlada ee caasimada Dalka ee Muqdisho
Kormeerkaan oo ay ku wehlin doonaan qaar ka mid ah Wasiirada sida Gaashaandhiga iyo Amniga gudaha ayaa qaadan doonaan saacado iyadoo talisyada dhamaan uu kula hadli doono saraakiisha hogaamineysa.
Xarumaha ciidamada ee Madaxweyne Xasan booqan doono waxaa ka mid ah xarunta Sahanka & Wardoonka Ciidamada Xooggga Dalkeena Soomaaliya.
Kormeerka Madaxweyne Xasan wuxuu ku soo aadayaa xili Dowladu dagaal kula jirto dhinacyo badan oo kala afkaar ah sida mucaaradka xukun doonka ah,Alshabaab iyo Jabhado Laftagareen.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
