BALADWEYNE (DAYNIILE.COM)-Hogaamiye ku-xigeenka Dowlad Gobleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle C/fataax Xassan Afrax ayaa weerar afka ah ku qaaday Agaasimihii hore ee Taliska Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe kadib wareysi uu bixiyay isagoo ku sugan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
C/fataax Xassan Afrax wuxuu sheegay in Sanbaloolshe uu yahay shaqsi lagu yaqaan inuu u gafo dadka oo ereyo qaldan ku dhaho,sidoo kale Hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle wuxuu xusay in sabaloolshe uu qabo cudurka isla weynida
“Sanbaloolshe waxaa ku dhacay cudurka isla waynida,waana inuu dhaqtar tago si loola tacaalo xaladiisa Caafimaad” ayuu yiri
Hogaamiye Kuxigeenka Hirshabelle C/fataax Xassan Afrax.
Masuulkaan wuxuu intaasi ku daray in dadka hishabelle gaar ahaan Hiiraan uu wax muuqda u qaban doono hadii fursad loo siiyo inuu shaqadiisa qabsado,wuxuu xusay in shalay markay ka maqnaayen Baladweyne ay ahayd meel gabaahiir cido ah balse ay hada tahay meel dhaq dhaqaaq ka jiro,oo nolol iyo barqwaaqo ay ka jirto.
“Siyaasiyiinta soo fashilmay waa inay umada ka fariistaan,madaama uusan waxba ka qaban si kuwa cusub loola tijaabiyo loolana xisaabtamo” ayuu yiri C/fataax Xasan Afrax.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
