Hogaanka Koofurgalbeed oo goor dhaw gaaray Magaalo Xeebeedka Baraawe

BARAAWE (DAYNIILE.COM)-Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur-galbeed Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa goor dhaw gaaray Magaalo Xeebeedka Baraawe oo ah caasimada rasmiga ah ee Maamulka Konfurgalbed inkastoo si kumeel gaar ah loogu shaqeeyo Baydhaba.
Magaalada Baraawe ayaa amnigeeda aad loo adkeeyay ka hor inta uusan soo gaarin Hogaamiye Aadan Madoobe,waxaana gacanta ku haya Ciidamada Xooga Dalka oo dhawaan buuxiyay xeryihii ay ciidamada Howlgalka AUSSOM ka baxeen
Inkastoo Ujeedka socdaalka Adan Madoobe aanu Maamulku cadeyn ayaa hadana warar hoose waxay sheegayaan in Aadan Madoobe doonayo inuu u diyaariyo Magaaladaasi sidii uu ugu soo guuri lahaa madaama ay tahay caasimada rasmiga ah ee Maamulka Koofurgalbeed.
Hogaamiyaha Koofurgalbeed inta uu ku sugan yahay Baraawe wuxuu qiimeyn doonaa xaalka caasimada Koofurgalbeed amni ahaan iyo inay xiligaan u qalanto inuu u soo guuro.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments