Kenya oo u diyaar garoobeysa ka hortaga qaraxyada Kiimikooyinka halista ah ee Alshabaab adeegsan karaan

NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Dowlada Kenya ayaa bilowday  u diyaar garoobga iyo ka hortaga qaraxyada Kiimikooyinka halista ah oo ay tuhunsan yihiin Kooxda Alshabaab ka fulin karaan gudaha Kenya.

Dowlada Kenya ayaa dhawaan Ciidamo iyo saraakiil waxay u dirtay Dalka Koofur Afrika si ay halkaasi uga soo bartaan ka hor taga iyo fahamka qaraxyada waqtigaan casriga ah loo adeegsadpo kiimikooyinka halista ah.

Saraakiisha iyo Ciidamada Kenyaanka ah waxaa la soo barayaa sida lagu aqoonsado qaraxyada kiimikooyinka iyo sida looga hortagi karo sameyntiisa halisa ah,Dowlada Kenya waxay dhigeeda Koofur Afrika ka dalbatay inay u faa’iideeyaan ciidamadooda islamarkaana soo baraan ka hor taga qaraxyadaasi halista ah.

Talaabada Dowlada Kenya qaaday waxay ku soo aadeysaa xili Alshabaab mar kasta weerarada ugu badan ka geystaan Magaalooyinka Soomaalida sida Garisa, Mandera iyo Wajir balse ay Kenyaanku xukumaan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments