MATABAAN (DAYNIILE.COM)- Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka dagaal culus uu dhexmaray ciidamada Milateriga Dowlada Faderaalka Soomaaliya iyo Dagaalamayaasha Alshabaab kaasoo saacado socday.
Dagaalka oo aad u cuslaa hubka nuucyadiisa kala duwana la isu adeegaday ayaa ka dhacay deegaanka Coomaad oo 20-KM u jira Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan taasoo dhacda xadka Hiiraan iyo Galgaduud.
Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa la soo sheegayaa inay ugu danbeyn xoog kula wareegeen deegaanka Coomaad kadib markii laga itaal roonaaday kuwa Dowlada Somalia islamarkaana ay si xeeladeysan uga baxeen deegaankaasi.
Khasaraha dhimashada iyo dhaawaca ilaa hada lama yaqaan inta uu gaarsiisan yahay madaama degaanka aad loogu dagaalamay islamarkaana dhinacyadu wali war ka soo kala saarin.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
