MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Mucaaradka Madasha samatabixinta Somalia ee fadhigoodu yahay Muqdisho ayaa mar kale ku gacan sayray gogosha uu dhigay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh si looga heshiiyo hanaanka doorashada madaxtinimada ee dalka madaama mucaaradku ku kalsooni daro ka muujiyeen Madaxweynaha.
Sidoo kale Mucaaradka waxay soo dhaweeyeen gogosha uu Saacid Shirdoon hormuud ka yahay iyagoona ku bogaadiyay Saacid doorkiisa ku aadan sidii siyaasada looga heshiin lahaa.
Kulan ay yeesheen xalay Mucaaradka Madasha samatabixinta waxaa si cad loogu diiday aqbalaada fariin uu madaxweyne Xasan u soo dhiibay dhinacyo mucaaradka ka tirsanĀ kuwaasoo ay u arkeen inay ayidsan yihiin qorshaha madaxweyne xasan ee dhanka doorashada.
lama yaqaan sida xaalka siyaasadeed ee taagan lagu xalin karo madaama Dowlada iyo mucaaradka aad u sii kala fogaanayaan,xili mucaaradku muujinayaan in Madaxweyne Xasan daacad ka ahayn in dalku aado doorasho la isku raacsan yahay balse uu doonayo inuu qabsado doorasho kaligiis uu wato taasina ay keeni karto iska hor imaad siyaasadeed.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
