BALADWEYNE (DAYNIILCOM)-Shir-Jaraa’id oo Caawa saq dhexe uu qabtag Ugaaska Beeshs Xawaadle Ugaas Yusuf Ugas Xasan Ugas Khaliif ayuu si kuul uga hadlay xiisada dagaal ee Baladweyne ka taagan.
Ugaaska oo xanaaq uu ka muuqdo ayaa ugu horeyn ku dhawaaqay in deegaanada reerkiisa ay ku soo duushay Dowlada Somalia isagoo dhamaan dhalinyarada reerkiisa ugu baaqay inay difaacdaan sharafkooda iyo deegaaadoda .
Ugaaska wuxuu ugu baaqay ciidamada Beeshiisa Xawaadle ee ka tirsan Ciidamada Xoogga Somalia inay ka soo baxaan islamarkaana ay ka soo saftaan si ay sharafka reerka uga difaacaan ciidamo Beeleed sida uu sheegay wata magaca Dowlada.