Ra’iisulwasaarihii hore ee Somalia Xasan Cali Khyare ayaa si kulul uga hadlay dadka shacabka ah ee maanta ciidamada Dowladu ku dileen sida uu warkliisa u dhigay Xaafada Raadeerka ee Degmada Dayniile Magaalada Muqdisho.
“Waxaa ayaandarro ah in Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday uu u xuubsiibtay burcad dhiigyacab ah oo u oomman daadinta dhiigga muwaadiniinta Soomaaliyeed, amarna ku bixiyay in la laayo shacab dibadbax nabdoon uga dhiidhinayay dhulboobka” ayuu yiri Xasan Cali Khayre
Hadaba qoraalka Xasan Cali khayre oo sidiisa u qoran halkaan ka akhriso:-
Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehellada iyo qaraabada dadkii shacabka ahaa ee taliska arxanka daran ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud uu maanta ku toogtay xaafadda Raadeerka ee degmada Deyniile.
Waxaan Alle ka baryayaa in uu u naxariisto seddexdii ruux ee weerarkan lagu dilay, una boogadhayo dadkii ku dhaawacmay.
Waxaa ayaandarro ah in Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday uu u xuubsiibtay burcad dhiigyacab ah oo u oomman daadinta dhiigga muwaadiniinta Soomaaliyeed, amarna ku bixiyay in la laayo shacab dibadbax nabdoon uga dhiidhinayay dhulboobka, burburinta iyo barakicinta sharcidarrada ah ee Xasan Sheekh ka wado xaafadaha degmada Deyniile.
Saraakiisha iyo askarta loo adeegsanayo dilka shacabka iyo burburinta guryahooda waxaan mar kale ugu baaqayaa in ay ka waantoobaan tacaddiyada ay kula kacayaan dadkii ay u dhaarteen in ay difaacaan, ayna dhawraan nolosha, karaamada iyo xuquuqda shacabka. Sidoo kale, waxaana saraakiisha ciidanka xasuusinayaa in ay imaan doonto maalin uu sharcigu sarreeyo oo lala xisaabtamo dambiilayaashii daadiday dhiigga dadkooda.

