Ciidamada Dowlada oo saaka dad shacaba ku laayay Degmada Dayniile iyo Beesha Mursade oo ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Dowlada 

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)- Xaafada Warlalisla oo ka tirsan Degmada Dayniile waxaa saaka duulaan ku qaaday ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada Somalia oo ay hogaaminayeen Gudoomiyayaasha Degmooyinka Dayniile iyo Howlwadaag sida laga sheegayisu soo bax ay shacabku sameeyeen.

Mid ka mid ah Odayaasha Mursade oo isu soo baxa hadalo kulul ka jeediyay ayaa sheegay in saaka xiligii salaada subax ciidamo ka tirsan Dowlada ay soo weerareen Xaafada Warlalisla ee Degmada Deyniile  ee Magaalada Muqdisho.

Odeyga wuxuu sheegay in ciidamada Dowlada Somalia weearka ku dileen 3 ruux oo ka mid ahaa shacabka reer dayniile,sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay burburiyeen ilaa 200 guri.

“Dowlada muda xileedkeedu waa dhamaaday waxaa isku soo haray kooxo burcad ah oo dadka dhacda kuwaas inaan iska difaacno diyaar ma u tihiin ” ayuu yiri Odey ka mid ah odayaashii ka hadlay isku soo baxa oo dadka reer Dayniile ku baraarujinayay is difaacaan.

lama oga sida ay uga jawaabi doonaan Gudoomiyayaasha Dayniile iyo Howlwadaag oo labaduba ka soo jeeda beesha cabashada qabta ee Mursade madaama lagu eedeeyay inay iyagu hogaaminayeen duulaanka saaka lagu soo qaaday Deyniile madaama ay tahay eedeyn culus.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments