Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu galabnimadaan ka jeedinayo caleema saarka Hogaanka Hirshabelle wuxuu si rasmi ah ugu dhawaaqay in caasimada Maamulka Hirshabelle la siiyay Gobolka Hiiraan.
“Hiiraan caasimadda waan siiney laakiin ogaada hal beel ma degto hallaga tashto magaalada noqoneysa,sidoo kale waxay noqon doonta mid wareegta oo marba Gobol ayaa qaadan doona” ayuu yiri Madaxweyne Xasan
Talaabadaan ayaa u muuqata mid Dowladu ku dejineyso gadoodka reer Hiiraan ay kaga hor yimaadeen maamulka Hirhabelle iyagoo maanta xitaa Hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle lagu xanibay Baladweyne loona diiday inuu caleema saarka ka qeybqaato.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

