Wasiir Xasan Macalin oo Dalka Algeria kaga qeybgalaya Shirka Wasiirada Cadaalada Carabta

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa caawa si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Algiers ee caasimadda dalka Aljeeriya.

Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Aljeeriya, Mudane Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego), Agaasimaha Guud ee Xabsiyada dalka Aljeeriya, Mudane Zerb Saciid, iyo mas’uuliyiin sare oo ka socday Wasaaradda Caddaaladda ee dalkaas.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb geli doona furitaanka shirka Wasiirrada Caddaaladda ee dalalka Carabta, kaas oo berri ka furmi doona magaalada Algiers ee caasimadda dalka Aljeeriya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments