Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Abiye Axmed maxay ka wada hadleen

ANTALYA (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo Dalka Turkey gaar ahaan Magaalada Antalya uga qeybgalaya Meertada 31-aad ee Shirka Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada  ayaa halkaasi kukan gaar ah wuxuu kula yeeshay Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiye  Axmed.
Inkastoo labada masuul aanay warbaahinta la hadlin hadana wararka qaar ayaa sheegaya inay ka wada hadleen xiriirka labdaooda Dal iyo xaalada guud ee dhanka amaanka labada dal .
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya inay isla soo qaadeen xurgufta siyaasadeed ee labada dal soo kala dhexgalay ..waxyaabaha ay isku hayaaa  waxaa ka mid ah in Itoobiya caawiso mucaaradka Dowlada sida maamul Goboleedyada halka Madaxweyne Xasan isna uu ku biiray isbahaysi ka dhan ah Itoobiya.
Lama yaqaan sida labada dal uga heshiin karaan khilaafaadyada taagan xili shirar badana ay yeesheen islamarkaana la isu dhoola cadeeyo iyadoo Dal kasta  howshiisa wayo..

XAFIISKA WARARKA SIYASADAA

DAYNIILE. COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments