Wasiirka Gaashaandhiga Somalia Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal kooban uu soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu kaga hadlay guusha ay gaartay sanatar Ilhan Cumar oo ah Haweeneyd Soomaaliyeed oo heysata dhalashada Dalka Mareykanka islamarkaana shalay mar kale loo doortay xilkeeda Xildhibaanimo.
Wasiir Fiqi ayaa qoraalkiisa wuxuu si gaar ah ugu Hambalyeeyay Xildhibaan Ilhan Cumar isagoona xusay in dib u doorashada Ilhan Cumar ay tahay jawaabtii cad oo ku socota kuwii aflagaadeyn jirey sanatarada.
“HAMBALYO Guusha cusub ee Xildhibaan Rep. Ilhan Omar waa jawaabtii ugu kululayd ee sanduuqa codbixintu siiyo kuwii aflagaaddada, hanjabaadda iyo dacaayadda la daba-taagnaa iyada, dadkeeda iyo dalkeedii ay ka soo jeedday!” ayuu yiri Wasiir Fiqi
Sidoo kale Wasiir Fiqi wuxuu soo hadal qaaday hadalo Madaxweyne Trump dhowr mar ku celceliyay oo farayay Sanatar Ilhan Cumar inay dib ugu laabato asal ahaan halkii ay ka soo jeeday oo ah Somalia.
“Kuwii shalay ku lahaa “Dalkaaga ku noqo”, maanta shacabka Mareykanka ayaa ugu jawaabay: “Congress-ka ku noqo!”
Ilhan waxay astaan u tahay dulqaadka, kartida iyo geesinimada, waana mid lagu yaqaano Soomaalida” ayuu yiri Wasiir Fiqi
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM

