Ciidamada Mareykanka ayaa ka baxay xarun militari oo istiraatiiji ah oo ku taal koonfurta Soomaaliya, taas oo muddo sanado ah u adeegaysay xarun dhexe oo laga maamulo hawlgallada Mareykanka ee la-dagaallanka argagixisada, sida ay sheegtay warbaahin maxalli ah.
Dhammaan ciidamada Mareykanka ayaa dhawaan ka baxay Garoonka Diyaaradaha ee Militari ee Baledogle, sida uu toddobaadkii hore qoray wargeyska *Horn Observer*. Garoonkan, oo qiyaastii 60 mayl dhanka waqooyi-galbeed kaga beegan Muqdisho, ayaa muddo dheer ahaa xarun muhiim u ah ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya.
Baledogle waxay u adeegaysay saldhig laga ururiyo xogta sirdoonka, waxayna taageeraysay dadaallada Mareykanka ee lagu tababarayo ciidamada Soomaaliya, taas oo qayb ka ah dagaalka muddada dheer socday ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo doonaysa inay afgambiso dowladda Somalia.
Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) si toos ah ugama jawaabin su’aalo Isniintii la weydiiyay oo ku saabsan ka bixitaankan la soo sheegay, Afhayeen u hadlay AFRICOM ayaa yiri, “Si loo ilaaliyo amniga hawlgallada, kama hadalno faahfaahinta hawlgallada socda,” isagoo intaas ku daray in talisku uu “dib u habayn ku samaynayo goobaha ay joogaan ciidamadiisa, si kor loogu qaado waxtarka hawlgallada la-dagaallanka argagixisada ee socda.”
Ma cada tirada ciidamada Mareykanka ee ku lugta leh bixitaanka la soo sheegay, ama meesha ay u guureen. Ka bixitaan kasta oo laga sameeyo saldhigga ayaa calaamad u ah isbeddel weyn marka la barbar dhigo xaaladdii sannad ka hor, xilligaas oo Mareykanku uu maalgelinayay kaabayaal loogu talagalay in lagu taageero joogitaan waara oo Mareykanku ku yeesho Ballidoogle. Bishii Maajo 2025, Ciidanka Wadajirka ah ee Geeska Afrika (Combined Joint Task Force-Horn of Africa) ayaa ku dhawaaqay dhismaha xarun caafimaad oo cusub, iyo sidoo kale guryo iyo horumarin dhanka amniga ah oo laga hirgelinayo saldhigga. Mashruucyadan waxaa loogu talagalay in lagu sii horumariyo garoonka diyaaradaha “si uu u noqdo goob joogitaan waara,” sida ay xilligaas sheegeen ciidamadaasi.
SOURCE STARS AND STRIPESS
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

