๐๐๐๐๐ฌ๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐ฌ ๐๐๐๐ช๐๐ ๐ ๐๐ซ๐๐๐ ๐๐ ๐๐ ๐ง๐๐๐๐๐๐ข, ๐๐๐ฅ๐ฆ๐ข๐ข๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐๐๐ช๐๐๐๐๐ฆ๐ ๐๐๐ฌ๐๐ฌ ๐ซ๐๐ ๐ ๐ ๐๐ ๐ค๐๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐๐?
๐ซ๐๐ ๐ช๐๐ซ๐๐ ๐ค๐ข๐ ๐๐ ๐ค๐๐๐๐ ๐๐ ๐ ๐จ ๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐ค๐ข๐ ๐ฆ๐๐๐ฅ๐๐๐ฌ๐๐ ๐๐๐ฌ๐ฆ๐ง๐ ๐ข๐ข ๐จ ๐ ๐๐ฅ๐๐ฌ ๐๐๐ฅ๐๐๐ค๐ ๐ฆ๐๐๐ฅ๐๐๐๐จ ๐ง๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐ฌ.
Waxaa wax aad looga xumaado ah in iyadoo maanta dalkeennu aad u nugul yahay oo khataro waaweyn ay dul hoganayaan jiritaanka dowladnimadeenna, madaxweynihii iyo hayโadihii kale ay muddo-dhaaf yihiin, dowladnimadiina god dheer ay ku sii wadaan qowleysatadan talada joogta, dastuurkii ay ummaddu ku heshiiska ahaydna la laalay, haddana kooxdan taagta daran ay la timaaddo qorshe lagu burburinayo Maxkamaddii Sare ee dalka, taasoo ahayd marjica keliya ee loo raadsan lahaa caddaaladda.
QOF LA DACWEEYAY QOFKII DACWADIISA QABTAY XILKA KAMA QAADI KARO WAANA CURFIGA SHARCIGA ISLAAMKA IYO MIDKA MAADIGA AHBA.
Guddoomiye Dr. Baashe Yuusuf Axmed, waxa keliya ee lagu qoonsaday waa inuu ahaa garsoore dhexdhexaad ah oo doonayay in xilligan adag uu dalka iyo dadkaba u helo xal waara oo wanaagsan. ๐ช๐๐ ๐๐๐ป๐ฎ ๐ฒ๐ฒ๐ฟ๐๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐:
- Inuu qabtay dacwad uu gudbiyay Madaxweynihii 7-aad ee Jamhuuriyadda, Shariif Sheekh Axmed, taasoo ahayd dacwad ka dhan ah dastuurkan fake ga ah ee uu sameystay Xasan Sheekh raadadkii iyo sharciyadii ka dhashay.
- Xasan waxa uu doonayaa inuu doorashadan baadilka ah meel mariyo. Sidaa awgeed, wuxuu xaqiiqsaday in Guddoomiye Baashe uusan u suurogelin doonin inuu u meel-mariyo doorasho baadil ah oo hal qof iyo milxiis uu wato ay ku tartamayaan.
Magacaabistan baadilka ah ee uu sameeyay Xasan, iyadoo aan sharciyad waafaqsanayn, waxa uu ku aamini waayay cid aan ahayn xisbigiisa. Ninka uu caawa magacaabayna waxa uu ka mid yahay ๐๐ผ๐น๐ฎ๐ต๐ฎ ๐๐๐น๐ถ๐ป๐๐ฎ ๐๐ฆ๐ฃ.
๐ง๐ฎ๐ฎ๐ ๐๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฎ๐ ๐ฐ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ๐๐ป ๐ฏ๐๐๐ ๐ฑ๐ฎ ๐ ๐๐ฎ๐ต๐ฎ๐ ๐ถ๐ป ๐ซ๐ฎ๐๐ฎ๐ป ๐ฆ๐ต๐ฒ๐ฒ๐ธ๐ต ๐๐ ๐ฟ๐ฎ๐ฏ๐ผ ๐น๐ฎ๐ฏ๐ฎ ๐ฎ๐ฟ๐ฟ๐ถ๐บ๐ผ๐ผ๐ฑ ๐ผ๐ผ ๐ธ๐ฒ๐น๐ถ๐๐ฎ:
- Inuu xukunka xoog ku sii joogo, isaga oo aan u aabayeelayn dhaca, boobka, xukun-marrooqsiga qaawan iyo cawaaqib-xumada ka dhalan doonta.
- Haddii ay dhacdo inuu xukunka waayo, goโaankiisu waxa uu yahay inaysan Soomaaliya isaga ka dambayn, waana โ๐๐๐๐๐๐ก๐ข๐ช ๐๐จ ๐๐จ๐ก๐๐ฌ ๐๐ ๐ ๐๐จ ๐๐๐๐๐๐๐ฌ๐๐ฌ.โ
Xasan wuu soo dhaafay xadkii dulqaadka iyo wada-xaajoodka ku dhisnaa. Waxa uu markan tijaabinayaa quluubta ummadda Soomaaliyeed, oo mar dhow sida foolkaanaha oo kale u qarxi doonta.
๐๐ ๐ฏ๐ถ๐๐ต๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฒ๐๐๐ผ ๐ซ๐ฎ๐๐ฎ๐ป๐ผ๐, ๐ถ๐ป ๐ฑ๐ฎ๐น๐ธ๐ฎ๐ป ๐ถ๐๐ผ ๐ฑ๐ฎ๐ฑ๐ธ๐ฎ๐ป๐ฏ๐ฎ ๐น๐ฎ๐ด๐ฎ๐ฎ ๐ฏ๐ฎ๐ฑ๐ฏ๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐ถ๐ป ๐ฑ๐ผ๐ผ๐ป๐ผ!

