Wasiirka Gaashaandhiga Somalia Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal kooban uu soo dhigay barihiisa bulshada wuxuu kaga hadlay isbadalka ku yimid dagaalka Alshabaab iyo Dowlada iyo dagaalada maamul gboleedyada qaar iyo Dowlada.
Wasiir Fiqi wuxuu sheegay in markii ay socon waayen mashruucyada shisheeye ee burburinta Dowlada Somaliya ay hada u weecdeen in Alshabaab iyo cid kasta oo Dowlada ka soo horjeeda isku saf laga dhigay.
Hadaba qoraalka Wasiirka oo sidiisa u qoran halkaan ka akhriso:-
Dagaalka uu shisheeyaha cadowga ah maalgalinayo wuxuu yeeshay wajiyo badan:
- Jabhado hubaysan oo shaaati qabiil ay u gelinayaan shakhsiyaad siyaasadda ku fashilmay kuwaasoo isku dhex-qarinaya dareenno shacabka qaarkood ay qabaan.
- kooxda Khawaarijta oo maciin la baday ka dib markii Qorshayaashii kale oo dhan ay socon waayeen, oo la mideeyey dhagartii khawaarijta iyo tii shisheeyaha cadowga ku ah jiritaanka dawladnimada iyo midnimada dalka, rabana in ay argagixisada u ekeysiiyaan koox macquul ah.
- Warbaahin noocyo Kala duwan isugu jirto oo luqado kala duwan lagu tabiyo oo shisheeye uu maalgaliyay oo ku biirtay tabinta xogo qaranimada dalka dhaawacaysa, taageero siinaysa khawaarijta islamarkaana cabsi-gelin iyo sumcad xumo abuur ku hawllan.
- Intaas waxaa dheer kuwa siyaasiyiin sheegta oo shisheeyuhu soo dhexmarsado fariintiisa oo joornaatadooda alyowmiga ku goosta hadba inta caytamaan!
- Diblomaasiyiinta qaarkood shaatiga u siibtay garabsiinta qodobadaas aan kor ku soo sheegnay oo si aan qarsoonayn u taageera qorshayaashaas gurracan!-
Waxaa indhaha lagu hayaa kooxahaas Kala duwan ee isku ujeedada iyo ajendaha ah, waxaana insha Allaah umadda Soomaaliyeed waajib ka wada saaran yahay ayagoo midaysan oo kaashanaya saaxiibada caalamka ee Soomaaliya la raba wanaagga in aan si geesinimo leh uga hortagno shirqoolladaas, mid walbana tallaabada ku haboon laga qaado.
Soomaaliya way guulaysanaysaa insha Allaah
