Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 161-aad ee Guutada 16-aad, ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyey deegaanno dhaca xuduudda gobollada Baay iyo Shabeellaha Hoose, iyagoo si gaar ah howlgallo uga sameeyey deegaanka Yaaq Doomaar.
Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ugu jiraan xaqiijinta amniga, la dagaallanka maleeshiyaadka Khawaarijta iyo ka hortagga falalka amni-darrada ah ee ka dhanka ah shacabka.
Ciidanka XDS ayaa sii wada howlgallada lagu sugayo amniga deegaannada gobolka Bay, si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo xasilloonida shacabka ku nool deegaannadaas.




