Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka ee (CENTCOM) ayaa sheegay in laba diyaarad drone oo Iiraan ah oo loo tuuray Bahren la riday, iyadoo aan wax dhaawac ama khasaaro ah dhicin.
CENTCOM sidoo kale waxay beenisay sheegashada IRGC ee ahaa in ay weerartay “radaarka digniinta hore” ee Mareykanka ee Bahren maalintii hore.
Hay’adda Tamarta Atomiga Adduunka (IAEA) ayaa sheegtay inay “ka walaacsan tahay” warshad hoose oo uranium lagu shubo oo ku taalla Isfahan, taas oo Tehran aysan u ogolaan inay kormeerto tan iyo weerarkii Mareykanka ee deegaanka bishii Juun 2025.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu hakiyey weerarro badan oo ka dhan ah Iiraan codsiga saaxiibada Khaliijka, saacado gudahood ka dib markii uu sheegay inuusan ka waaban doonin inuu weerar cusub oo milatari ka geysto.
Qadar iyo Turkiga ayaa saxiixay heshiis iskaashi difaaca ah, sida xafiiska Madaxweynaha Turkiga Erdogan uu sheegay.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
