Muqdisho-17, Nofeembar 2026: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa casho sharaf ku maamuusay Xoghayaha Guud ee Xarunta Ilaalinta Fikirka iyo Ka-hortagga Xagjirnimada ee Boqortooyada Sacuudiga, Sareeye Gaas Cabdullaahi bin Haadi Al-Haajiri iyo wafdi uu hoggaaminayo, kuwaas oo maalmahan booqasho ku joogay caasimadda Muqdisho.
Munaasabadda waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan ee La-dagaallanka Fikirka Xagjirnimada iyo madaxda Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.
Wasiirka ayaa wafdiga uga mahadceliyay booqashadooda Soomaaliya iyo kulamadii ay la yeesheen madaxda dalka, kuwaas oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal ee ka-hortagga xagjirnimada iyo la-dagaallanka fikradaha qalloocan ee Khawaarijta argagixisada ah ee khatarta ku ah nabadda iyo xasilloonida dunida, gaar ahaan dalalka Islaamka.




