Ciidamo wata gaadiid dagaal oo ka soo goostay Somaliland oo sameeyay dhacdo lala yaabay

Ciidamo wata gaadiid dagaal oo ka soo goostay dhanka Maamulka Somaliland ayaa markii ugu horeysay sameeyay dhacdo lala yaabay oo aan hore iyaga hortood loo maqlin inkastoo la arki jirey kaliya ciidamo maamul ka soo goosta kuna biira maamul kale.

Ciidamadaan ka soo goostay Somaliland waxay qiyaameyeen maamulka Waqooyi bari oo ay isaga dhigeen inay dhankooda ku soo biireen balse arinta lala yaaabay ayaa ah ciidamada oo xoogaa ku hadakay dhanka Waqoyi Bari ayaa caawa si lama filaan waxay u sii goosteen oo isku dhiibeen maamulka Puntland.

Ciidamadaan waxay gaareen oo caawa ku hooyanayaan Magaalada Ceelbuh ee Gobolka Sanaag halkaasoo ay ka taliyaan Maamul Goboleedka Puntland oo isku yara dhacsan yihiin Maamulka Waqooyi Bari.

Ciidamada soo goosta waxaa lagu yaqaanaa inay kaliya ka soo goostaan halka ay joogeen una soo goostaan meel kale oo ay deegaan ama dhalyo wadaagaan laakiin dhacdadaani waa mid lala yaabay.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments