Wararkii ugu dabeeyay Dagaalka Dayniile ka dhacay xili ciidamada Dowlada laga soo eryay

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Dagaalkii ka dhacay Xaafada Warlaliska ee Degmada Dayniile Magaalada Muqdisho ayaa noqday mid culus  islamarkaana gacmaha la iskula tagay xili ciidamada deegaanka ay guulo horudhac ah gaareen.

Wararkla aan ka heleyno dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamo dhowr ah oo ka tirsan kuwa Dowlada ay u gacan galeen ciidamada deegaanka ka soo horjeeda kuwa Dowlada xili mid dhaawaca uu ku jiro.

Baraha bulshada ayaa lagu faafiyay askarta la qabtay ee qaar dhaawacyada qabaan kuwaasoo gurmad ka helay shacabka Degmada Dayniile ku dhaqan gaar ahaan kuwa Xaafada Warlaliska.

Wararka qaar aan helnay ayaa sheegaya in gabi ahaanba ciidamadii Dowlada laga soo saaray Degmada Dayniile walow aaney jirin cid Dowlada ka tirsan oo xaqiijineysa.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments