Golaha Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanka Puntland ayaa ka hadlay qorshe uu doonayo Hogaamiyaha Maamulka Puntland Saciid Deni inuu wax ka badal ku sameeyo Dastuurka Maamulkaani,waxayna uga digeen inuu ku dhaqaaqo talaabo aan heshiis lagu ahayn.Golaha Siyaasiyiinta Puntland waxay ku baaqeen in wadatashi ballaaran lala sameeyo dhamaan dhinacyada reer Puntland ee markii horaba isla dhistay Maamulkaasi sanadkii 1998-kii,siyaasiyiinta waxay soo hadal qaadeen Maamulka Waqooyi Bari ee ka go’ay Puntland balse ka mid ahaa dadkii wax ka dhistay Puntland taasina ay sameyn doonto dastuurka.
Golaha Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanka Puntland waxay saciid deni ugu baaqeen la isugu yeero dhammaan siyaasiyiinta, isimada dhaqanka, aqoonyahanka iyo qaybaha bulshada ee aasaaska u ahaa Puntland si hadii dastuurka wax laga badalayo wax la isku raacsan yahay lagu dhaqaaqo.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

DAYNIILE.COM


