MUQDISHO (DAYNIILE.COM) -Magaalada Muqdisho faar ahaan isgoyska Taleex waxaa Caawa ka dhacay banaan bax balaaran oo ay dhigeen boqolaal ka tirsan shacabka reer Muqdisho.
Banaan-baxa waxaa lagu taageerayay amniga ka jira caasimada Dalka ee Muqdisho taasoo Alle SWT ka sokow lagu amaanay Ciidamada qaranka qeybahooda kala duwan.
Isku soo baxayaasha waxag muujiyeen sida ay uga soo horjeedaa cid kasta oo amniga Muqdisho neceb ama lidi ku ah.
.Dhanka kale hal ku dhiga isu soo baxayaasha Caawa wuxuu ahaa:-
“ Ma ogolin Khawaarij Kalkaal”
XAFIISKA WARARKA SIYASAADA DAYNIILE.COM

