Mucaaradka Golaha Mustaqblka ayaa qaadacay oo diideen inay ka qeybgalaan gogoshii uu Muqdisho dhigay Madaxweynaha Dowlada Faderaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.
Shirkaan oo beri loo balansanaa ayay Dowladu xustay in looga hadlayo doorashooyinka Dalka gaar ahaan mida Faderaalka.
Hadalka ama go’aanka Mucaaradka Golaha Mustaqbalka ayaa imaanaya xili saacadihii ugu danbeeyay Safiirka Turkigu kulamo kala duwan la yeeshay Mucaaradka isagoo doonaya inuu ku qanciyo gogosha uu dhigay Madaxweyne Xassan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM